Home Wararka Maanta Waa imisa Mushaharka Waalida ah ee Aan Hore Loo Arag Ee...

Waa imisa Mushaharka Waalida ah ee Aan Hore Loo Arag Ee Ronaldo Ka Qaadan Doono Al Nassr?

0

Cristiano Ronaldo ayuu guud ahaan sanadkan 2022 u ahaa mid ku adag waayihiisa ciyaareed gaar ahaan bilahan ugu dambeeyay.

Ronnie ayaa bilawgii xilli ciyaareedkan waayay shaxda asaasiga ah ee Manchester United isagoo dhawr jeer muujiyay dareenkiisa cadho.

Kahor Koobkii aduunka ayuu qabtay waraysi uu si weyn ugu dhaliilay tababaraha, mulkiikayaasha iyo ciyaartoyda Manchester kaas oo sababay in wadajir uu kooxda ula kansalo heshiiskii uu Old Trafford ku joogay.

Ronaldo ayaa markale intii Koobka aduunku socday la kulmay lama filaan isagoo waayay booskii shaxda xulka Portugal wixii ka dambeeyay wareega Group-yada.

Ugu dambayn Cristiano ayaa xalay si rasmi ah ugu biiray kooxda ree Saudi Arabia ee Al Nassr oo uu qandaraas laba sano iyo badh ah qalinka ugu duugay.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa faahfaahinta mushaharka 37 sano jirkaasi ka qaadan doono Al Nassr oo ah midkii ugu weynaa ee abid ciyaaraha iskaba daa kubadda cagta oo’.

Faah-Faahinta Mushaharka Ronaldo Ee Al Nassr

€200,000,000 sanadkii

€16,666,666 bishii

€3,846,153 toddobaadkii

€547,945 maalintii

€22,831 saacadii

€380 daqiiqadii

€6.34 il-bidhiqsigii

Ad
Previous articleMadaxweyne QOOR QOOR oo saddex arrimood kala hadlay safiirka Mareykanka U Fadhiya Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Laasacanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here