Home Wararka Somaliya Wararka Ugu Danbeeyay Ciidanka Galmudug iyo Dowlada oo Gudaha u Galay Magaalada...

Wararka Ugu Danbeeyay Ciidanka Galmudug iyo Dowlada oo Gudaha u Galay Magaalada Guriceel

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in wali xaafaddaha magaalada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taageersan Ahlusunna.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada dawladda ee kulaalayay magaalada ay damceen inay galaan xaafado ka tirsan Guriceel halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen xooggaga Ahlu-Sunna ee horey gacanta ugu hayay Guriceel.

Labada dhinac ayaa wali ku dhex dagaalamaya magaalada iyadoona aysan jirin cid wali si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay gudaha u soo galeen magaalada ayna ka dagaallamayaan qeybo ka mid ah Xaafaddaha oo markii hore ay joogeen Ahlusunna.

Guriceel waxa horey uga qaxay kumannaan qof oo ka baqayay inuu magaalada ku qabsado dagaalka hadda ka bilowday, inkastoo xaafadaha qaar ay wali dad yar ay joogaan.

Ad
Previous articleDagaal ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa lagu dilay Ganacsade Caan ah.
Next articleWararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel oo Wali ka Socda Magaalada Gudaheeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here