Home Wararka Maanta Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Magacaabay Wasiiro Cusub

0

Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo xalay soo saaray wareegto ayaa soo magacaabay saddex wasiir oo cusub, kuwaas oo kamid ah noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Xubnaha la magacaabay ayaa isugu jiro wasiir, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen, kuwaas oo kala ah:-

Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) oo loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.

Waxaa Cabdixamiid Maxamed Cali ayaa isna loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.

Sidoo kale Cabdifitaax Jaamac Warsame ayaa waxaa loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabistaan loo sameeyay si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla golaha xukuumadda ee HirShabelle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ak qaaday inuu qiimeeyay kartida, aqoonta iyo waaya aragnimada ay leeyihiin saddexda xubnood ee uu magacaabay.

“In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda. Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle.

HirShabelle ayaa waxaa haatan ka jira xaalado is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab iyo fatahaado laga cabsi qabo in mar kale uu sameeyo wabiga Shabelle ee mara maamulkaasi.
Ad
Previous articleSoomaaliland oo Gaashaanka U Daruurtay Damicii Abiya Axmed Ee Bada Soomaaliya
Next articleCiidamada Danab ee Puntland oo Deni U Diray Hanjabaad culus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here