Home Wararka Somaliya Galmudug Dowladda oo Shaacisay in Ciidamada huwanta la wareegeen Wabxo iyo Deegaano kale

Dowladda oo Shaacisay in Ciidamada huwanta la wareegeen Wabxo iyo Deegaano kale

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa kacdoonka beelaha ayaa howlaglo balaaran ka bilaabay qeybo kamid ah gobolka Galgaduud, waxa ayna ciidamada dagaal kula wareegeen deegaano iyo tuulooyin horey u heesteen Al Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Cali Caanood, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa kacdoonka ee wehliya Al Shabaab kala wareegeen saakay iyo shalay deegaano dhoor ah.

Waxa uu sheegay in afhayeenka in saakay ciidamada Danab iyo kuwa kacdoonka la wareegeen deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, waxa uu sheegay in ciidamada deegaankaasi hadda kawadaan howlgalo miino baaris ah .

Jeneraal Caanood ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada huwanta ah shalay ilaa xalay la wareegeen tuulooyin dhoor ah ay kamid yihiin War-xoolo, Waro-gabinleh, Wara-dhuumaleh iyo tuulooyin kale oo hoostaga gobolka Galgaduud.

Afhayeenka wasaaradda gaashanadhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan aruurinta khasaaraha kooxda Al Shabaab lagu gaarsiiyay howlgalada ka bilowday qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee la wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa ku wajahan degmada Ceelbuur iyo deegaano kale oo hoostaga, waxaana ciidankan hoggaaminaya Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar.

Ad
Previous articleAl Shabaab oo iska diiday in loogu yeero Magac cusub oo dowladda u bixisay
Next articleRuushka oo amray in laga baxo magaalada Kherson

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here