Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH:Warmurtiyeed laga Soo Saaray Shirkii Kasocday Magaalada Muqdisho

WAR DEG DEG AH:Warmurtiyeed laga Soo Saaray Shirkii Kasocday Magaalada Muqdisho

0

Shirkii Madaxweynaha DFS iyo madaxdii hore ayaa kusoo dhamaaday Muqdisho, goor dhaw iyadoo doodaha waa weyn ee dhinacyadu ay soo jeediyeen ay wali kala taagan yihiin.

1- Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kuqanciyey xubnaha heshiiskii Madasha Wadatashiga diidanaa, in uusan Mudo kororsi u soconin, oo uu dhawaan cadeyn doono, Dawlad gobaleedyadana aan waxba isaga ka khuseynin.

2- Sidaas oo kale Villa Somalia, ayaa ku guuleysatay in aan lasoo saarin warmurtiyeed lagu qeexayo, wixii kasoo baxay madasha wada hadalka 2-da maalmood, Xassan ayaa dood kasoo celiyey sharciyada warmurtiyeed ee lasoo saari karro, maadaama xubnahan aysan hadda xilal heynin.

3- Dhammaan Madaxweyne Xassan ayaa ku adkeystay doonistiisa Doorasho qof iyo cod ah, In dalka loo wareejiyo Madaxweyne iyo Kuxigeen, lana tirtiro jagada Ra’iisulwasaaraha.

4- Balse taas bedelkeeda siyaasiinta dibada jooga ah ayaa qori doona warqad Talo-Soo jeedin ah oo loo dirayo golaha baarlamaanka 11-aad, kaas oo lahorgeynayo Heshiiskii madasha wadatashiga, iyadoo Xassan Sheekh ku adkeystay in heshiiska la gaaray Golaha baarlamaanka 11-aad hadda u gudbay oo halkaas looga doodayo.

5- Sida muuqata Villa Somalia, ayaa guul siyaasadeed kala hoyanaysa, shirkan oo socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay, maadaama xubnaha siyaasiinta diidanaa heshiiska aysan heynin maxsuul cad.

Ad
Previous articleGolaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista agaasime Cusub oo Dhawaan la Magacaabay
Next articleQodobada ay isku Fahmeen Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here