Home Wararka Maanta Dowlada Somalia iyo Dowlada Itoobiya oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo cusub...

Dowlada Somalia iyo Dowlada Itoobiya oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo cusub (Sawirro)

0

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay nuxurka heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirka waxaa goobjoog ahaa Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo dhiggiisa Dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan oo shalay Dalka soo gaaray.

” Shirka maanta waxaa lagu saxiixay labo waxyaabood, heshiiska koowaad waa heshiis ganacsi oo u dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, sidoo kale waxaa la saxiixay (Minute agreementa) ama wada xaajoodkii siyaasadeed ee maanta halkan ku soo idlaaday ayaa la wada saxiixay, runtii waxaan rejeyneynaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka faa’idi doonaan boqol iyo kontonka milyan ee shacabka Ethiopia, sidoo kale, allaabo badan oo Soomaaliya ay leedahay ayaa loo iib-geyn doono Dalka Ethiopia, waxyaabaha hadda anaga aan leenahay oo faa’idada inoo leh waxay tahay Kalluunka oo dalka Ethiopia loo iib-geyn doono,” ayuu yiri xoghaye Xamsa oo shir jiraa’idka qabtay heshiiska ka dib.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka al-shabaab

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo Deegano Hor le Ka saaray Alshabaab
Next articleCanada oo dalkeeda ka tarxiileysa 150 qof oo Soomaali ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here