Home Wararka Somaliya Cabdiweli Gaas oo ka Hadlay Ciidanka Kasoo horjeeda Mudo kordhinta Madaxweyne Farmaajo...

Cabdiweli Gaas oo ka Hadlay Ciidanka Kasoo horjeeda Mudo kordhinta Madaxweyne Farmaajo iyo Go’ankiisa

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee  Soomaaliya sidoo kalena soo noqday Madaxweynihiii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si weyn ugu fashilmay qabashada doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Waxaa uu tilmaamay in dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay muujiyeen sida uu soo gaabtay mustaqbalka Siyaasadeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayna adkaan doonto in Soomaalida ay mar kale aaminto.

Gaas ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo afartii sano ee lasoo dhaafay uu si weyn ugu mashquulay burburinta hanaanka federaalka Soomaaliya oo uu doonayay in uu meesha ka saaro laakiin uu ku fashilmay.

Waxaa uu ugu dambeyntii uu sheegay in Ciidanka Milatariga Soomaaliya ka tirsan ee kasoo horjeedda Muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo ay mudan yihiin taageero maadaama ay difaacayaan Sharciyadda dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in  ciidankaasi tilaabada ay qaadeen ay tahay mid saxan , isagoo sababta ku sheegay in qofka xabad raba in uu ku dagaallamo kaliyah xalka looga hortagi karaa ay tahay Awood ciidan.

Ad
Previous articleSababtii Farmaajo isaga celiyay Dhalashada Mareykanka oo la ogaaday (Xog cusub)
Next articleWararka ugu danbeeyay Barlamaanka oo maanta ka laabanaya muddo kordhintii Hay’addaha dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here