Home Wararka Maanta Dal Yurb ku yaalla oo muslimiinta ku nool ugu baaqay in Israa’iil...

Dal Yurb ku yaalla oo muslimiinta ku nool ugu baaqay in Israa’iil garab istaagaan

0

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka ayaa ku boorriyay kooxahooda Muslimiinta ah inay si cad u cambaareeyaan weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee Xamaas ee toddobadii Oktoobar ku qaadday Israa’iil, isla markaana ay codkooda ku garab istaagaan Israa’iil.

Nancy Faeser ayaa sheegtay in ay tahay in ay si cad u meel mariyaan oo ay ilaaliyaan mas’uuliyadda ka saaran bulshada.

Nancy ayaa sidoo kale sheegtay oraahyada sida “haa, laakiin” kuma filna, ayay tiri.

Mudaaharaadyo waaweyn oo taageeraya Falastiiniyiinta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka jiray Jarmalka, iyadoo dad badan lasoo xiray.

Ad
Previous articleLaftafareen oo Maantay Sameeyey Dhoolatus Wayn Xili Mooshino Culus la Diyaariyay(Sawiro)
Next articleBeesha caalamka o war ka soo saarty xaaladda cakiran ee Puntland ka Taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here