Home Wararka Maanta Wasiirka amniga Galmudug oo Booqday Goobihii Alshabaab Laga Saaray iyo Beesha Sacad...

Wasiirka amniga Galmudug oo Booqday Goobihii Alshabaab Laga Saaray iyo Beesha Sacad oo Xoolo Deeq ah Gaarsìisay…..(Sawiro)

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mohamed Abdi Aden (Gaboobe) Ayaa Maanta Booqday Furimaha hore Ay ku sugan yihiin Ciidamada XDS iyo Kuwa Daraawiishta Galmudug Kuwaa oo ku wajahan Caad iyo degaanada hoos Taga si ay u xoreyaan shacabka dulmaan ee ku Nool deeganadaasi.

Wasiirka Ayaa La Kulmay Saraakiisha kala duwan ee hogaamineysa ciidamada, Waxeyna uuga war Bixiyeen iney kooxda naflacarigaa ee AS kasareen Meelo badan walina ay baadi goobayaan meelaha Ay kaga dhumaleysanayaan Gobolka, ayna daba Joogi Donaan meel kasta ooy galaan, maalmaha Soo socdana ay gaari doonaan Caad iyo Miiroon.

Waxaa la filayaa in geesiyada Qaranka ay saacadaha soo socda la wareegaan magaaloyinka Caad iyo Miiroon oo ay wax ka yar 15km u jiran haatan.

Beesha Sacad oo Deeq Xoolo ah ku wareejisay Ciidamada Qaranka, kuwa degaanka iyo Daraawiishta Galmudug ee Ku sugan Furinta U dhexaysa Caad Iyo Camaara.

Wareejinta deeqdaa waxaa Beesha Wakiil uga Ahaa Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre iyo Saraakiil U dhalatay Beesha oo qeyb ka ahaa wareejinta xoolahaan, waxaana ka Gudoomay Taliyaha Qeybta 21-aad G/sare Cabdi Salaad Cali, Taliyihii ee qeybta 21-aad, Saraakiisha Ciidamada Gorgor, Abuu Dujaana, Ciidamada degaanka iyo Odoyaasha Degmada Camaara.

Ad
Previous articleSheekha caanka ah ee Muft Menk oo Amaan kala Dul dhacay Haweenka Soomaaliyeed
Next articleMilatariga Itoobiya oo abaal marin siiyey sameeyaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga Baraktar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here