Home Wararka Somaliya Galmudug Degmada Guriceel oo laga dareemayo Barakac Xili Xiisad ay jiro

Degmada Guriceel oo laga dareemayo Barakac Xili Xiisad ay jiro

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay ilaa saaka dadkii ugu badnaa ay ka barakacayaan degmadaas kadib xiisadda dagaal ee u dhaxeeysa Galmudug iyo Ahlusunna.

Dadka ayaa barakacooda waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Ahlusunna ee Jimcihii la wareegay degmadaas ay difaacyo ka sameysteen daafaha degmada, iyaga oo doonaya inay iska difaacaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug hadii ay soo weeraraan.

Xalay ayaa waxaa la arkayay degmada Guriceel dad u badan Haween iyo Carruur barakacaya, kuwaas oo aaday degaannada joostaga Guriceel si ay uga badbaadaan hadii uu dagaal ka dhacay degmadaas.

Dad ku sugan degmada Guriceel ayaa Risaala u sheegay inay dareemayaan cabsi ku aadan in gudaha degmada ay ku dagaalamaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada Ahlusunna sidaasina ay u barakacayaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, hayeeshee Gudaha iyo daafaha Magaalada lagu arkayo Ciidamada taabacsan Ahlusunna oo ku hubeysan qoryaha noocyadooda kala duwan.

Ad
Previous articleCulima Hor Leh oo teegaartay Ahlusuna Waljameeca (Sawiro)
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Kormeeray Garoonka Aadan Cadde una duulay Baraawe (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here