Home Wararka Maanta Lafta-gareen Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka...

Lafta-gareen Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Socdaalkan ayaa sidoo kale waxaa Lafta-gareen iyo Wasiir Jaamac ku wehliyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kale, ayada oo halkaasi maanta si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xirista shir dib-u-heshiisiin ah oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Sidoo kale, waxaa qorshaha socdaalka madaxdaan qeyb ka ah sidii bulshada Diinsoor degta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada howl-galka dalka looga xoraynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Koofur Galbeed.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.
Ad
Previous articleShir Xasaasi ah oo looga Hadlaayo Doorashooyinka Soomaaliya oo Maantay Muqdisho ka Furmay(Sawiro)
Next articleXoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga naxay duqeymaha dugsiyada waxbarashad QM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here