Home Wararka Somaliya Galmudug Xarunta Afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo lagu Furay Galmudug...

Xarunta Afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo lagu Furay Galmudug Si casri ahna Loo Dhisay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee laanta afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo laga hirgeliyay magaalada Dhuusamareeb.

Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana ay dadku ka heli doonaan baasaboorrada iyo adeegyada kale ee socdaalka sida ay sheegeen madax ka tirsan hay’adda socdaalka.

Munaasabada furitaanka dhismaha cusub ee laanta afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayay ka qayb galeen marti sharaf farabadan oo ay kujiraan Mohamed abdulahi Aden agaasimaha laanta 4-aad ee Galmudug, Abduqaadir elmi ali agasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsidda soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan golayaasha Baarlamaanka FS.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Soomaaliya O Si adag Uga Horyimid Heshiiskii Mudo Kordhinta ee Maantay lagu Wareejiyay
Next articleDad aroos ka yimid oo ku le’day shil uu la galay baskii ay saarnaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here