Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Baaq Geesinimo leh U diray Madaxweyne Xasan Shiikh

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Baaq Geesinimo leh U diray Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame kana mid ah Ergeyaasha Madaxweynaha ayaa Warqad ku taariikhaysan 29-ka May 2023 u diray Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu u soo jeediyay inuu qanciyo oo miiska wada-hadalka ku soo celiyo Puntland, sidoo kalena Puntland aysan ku awood sheegan in aan laga tegi karin, nidaamka siyaasiga ah ee Baarlamaaniga ahna uu ku yimid heshiisyadii lagu dhisay dowlada Soomaaliya, ka tegistiina ay u baahan tahay sharciyad ka guda wayn GWQ.

Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran uu gaaray ee ah in shacabka awood loo celiyo oo doorasho qof iyo cod laga qabto dalka ayuu sheegay inay tahay tallo wanaagsan, oo waafaqsan dastuurka, laakiin habraacyada iyo hannaanka lagu hirgelinayo ee Goluhu soo saaray ay baalmarsan yihiin qodobka 47aad ee Dastuurka dalka oo dhigaya in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka uu leeyahay awood dejinta shuruucda la xiriirta xisbiyada iyo doorashooyinka heerka dowladda Federaalka.

Nidaamka Baarlamaaniga ayuu xusay inuu ku dhisan yahay heshiisyadii iyo shirweynihii lagu yagleelay dowladnimada Soomaaliya ee ka soo bilaabatay Carte, Mbagathi iyo heshiisyadii looga baxay Kumeel gaarnimada. In la bedeo nidaamka Baarlamaaniga loona guuro nidaamka Madaxtooyada ay tahay go’aan u baahan talo siyaasadeed iyo taageero bulsho oo ka guda-weyn Golaha Wadatashiga Qaran.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale caddeeyay in muddo-kororsi loo sameeyo maamulgobaleedyada iyo dawladda Federaalka ahba ay noqonayso aafo siyaasadeed. Waxaana uu su’aal geliyay waxa dhici kara haddii ay suurtoobi weydo in June illaa December 2024 la qabto doorashooyinka Golayaasha Deegaannada iyo Madaxtinimada Maamulgobaleedyada.

Tallooyin dhowr ah ayuu xildhibaanku ku soo gudbiyay warqadiisan tooska ugu socotay Madaxweynaha; waxaana talooyinkaas ka mid ah in la qabto shirweyne wadatashi qaran ah oo ay ka soo qeybgalayaan siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si looga soo saaro talo mideysan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka. Waxaa kale oo uu ku taliyay in Madaxweynuhu uu xoogga saaro la-dagaalanka argagaxisada, dhismaha Maxkamad Dastuuri ah iyo hawlaha kale ee hortebinta leh.

Ad
Previous articleMadaxweyne Saciid Deni oo dalbaday in Somaliland ay ka qeyb-gasho shirarka golaha wadatashi Qaran Xili uu Asagu Ka Maqanyahay
Next articleNibiri basaas u ah Ruushka oo lagu arkay xeebaha Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here