Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynihii Hore ee Dalka Xasan sheikh Maxamuud oo war ka soo saaray...

Madaxweynihii Hore ee Dalka Xasan sheikh Maxamuud oo war ka soo saaray Colaada Gurceel

0
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan sheikh maxamuud ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka ka soconaya Degmada Gurceel ee Gobalka Galgaduud.
Baaq ayuu u diray Madaxweyne Xasan sheikh dhinacyada dagaalamaya, waxuuna yiri “
BAAQ NABADEED
Xaaladda Galmudug
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.
Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.
Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.
Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.
Ad
Previous articleSaraakiil dhaawac ahaa oo isbitaalka Lagala baxay Galkacyo
Next articleCiidanka Galmudug iyo Dowlada Somaliya oo Magaalada Guriceel si toos ula wareegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here