Home Wararka Somaliya Galmudug Guddigii dhismaha Golayaasha Deegaanada Galmudug oo la kala diray

Guddigii dhismaha Golayaasha Deegaanada Galmudug oo la kala diray

0

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cismaan Aadan ayaa lagu sheegay in la kala diray guddigii farsamada ee dhismaha golayaasha deegaanada Galmudug.

Kadib khilaaf xoogan oo dhanka wadashaqeynta ah oo soo kala dhexgalay guddoonka guddiga iyo xubnaha kale ayaa sababtay in la kala diro dhamaanba guddigii farsamada goloyaasha deegaanada Galmudug.

Degmada Balanbale ayaa lagu waday in maanta oo talaado ah aay ka dhacdo doorashada Golaha deegaanka, waxaana halkaasi ka jiray muran badan oo la xariiray xubnaha dhawaan lasoo xulay.

Khilaafaadka la xariira arrimaha doorashooyinka golayaasha deegaanada Galmudug ayaa sababtay in xilka qaadis uu ku sameeyay maalmo kooban ka hor madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug wasiirkii arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Waayeel, kaasoo isna diiday xilka qaadista lagu sameeyay waxaana ugu dambeyn arrimahaasi aay keeneen in lakala diro Guddigii farsamada Golayaasha deegaan ee dowlad goboleedka Galmudug.

 

Ad
Previous articleKenya oo ku dhawaaqday Go’aan kale oo Deg Deg ah
Next articleGabar Muddo la raadinaayay oo Maydkeeda Laga helay Guriga reerkeeda ( dhacdo la yaab leh)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here