Home Wararka Maanta Shirka Wada-tashiga Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta oo goordhow si rasmi ah uga...

Shirka Wada-tashiga Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta oo goordhow si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho

0

Shirka Wada-tashiga Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ujeedkiisu yahay sidii madaxdii hore ay taladooda uga biirin lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu shirkaan kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dowladdiisa intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Shirkaan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, wuxuuna qeyb ka noqonaya barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa intood badan kasoo qeyb-galay shirka, yada oo uu ka maqan yahay madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay ka qeyb-galka shirkaan, inkasta oo uu soo dhaweeyay qabsoomidiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

Si kastaba, shirkaan u furmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa lagu wadaa in gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeed mideysan.
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Dukeedka Jilib Ku dilay Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad oo Ka tirsanaa Madaxda Alshabaab(Sawiro)
Next articleXubno cusub oo lagu kordhiyay shirka ka furmay Muqdisho iyo xogtii u dambeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here