Home Wararka Maanta Maamulka Hosbitaalka Hargaysa oo Shaaciyay Sababtii uu udhibtay Dahable oo Dhawaan maydkiisa...

Maamulka Hosbitaalka Hargaysa oo Shaaciyay Sababtii uu udhibtay Dahable oo Dhawaan maydkiisa laga Helay Muqdisho Shalayna Hargaysa Loo Qaaday

0

Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa sheegay in maydka marxuumka ay ku sameeyeen baaris qaadatay muddo 48 saacadood ah, isla markaana ay ku ogaadeen in Cabdinaasir lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu wayn tahay muddo shan iyo illaa todobo daqiiqo ah.

Waxa kaloo baarista lagu ogaaday in daanka midig uu jaban yahay, jug weynina ay gaartay.

Isla baaritaanka waxa kale oo lagu ogaaday in xiniinta bidix ay jug weyni gaartay, barar badana uu ka muuqdo.

Isha bidix ee marxuumka ayaa iyana waxa gaaray dhaawac culus, waxana jirka intiisa kale ka muuqata dhawaacyo kale.

Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan ayaa soo jeediyay eedeyn culus oo ah in maydka marxuumka talaagadii uu ku jiray sedexdii maalmood ee u dambeysay laga jaray dabka, taasoo badashay jirka marxuumka isla markaana uu dibiray, waa sida uu shirka jaraa’id ka sheegay Agaasime Dr Cabdiraxmaan.

Ugu dambeyn baaritaanka lagu sameeyay maydka marxuum cabdinaasir ayuu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa, in sababta uu u dhintay ee ugu weyni tahay ceejinta marxuumka la ceejiyay oo keentay neef qabatin.

Ad
Previous articleCabdiraxiin Cabdulle Sheekh oo Sabab kaa Yaabinaysa Loogu dilay Muqdisho
Next articleMaraykanka iyo Ingiriiska oo weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaaday Yemen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here