Home Wararka Maanta Degmadii uu abaabulka Kawaday Daahir Amin Jeesoow oo Alshabaab weerar Culus ku...

Degmadii uu abaabulka Kawaday Daahir Amin Jeesoow oo Alshabaab weerar Culus ku Qaadeen

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa xalay lagu qaaday weerar culus.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa hogaaminayo ciidamo badan oo beeshiisa Gaaljecel ka soo kasoo jeeda, kuwaas oo u soo diyaar garoobay inay deegaanada beesha ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab.

Jeesow ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xalay ku soo qaaday weerar culus, islamarkaana ay iska caabiyeen oo dagaalka ay ku jebiyeen kooxdii duulaanka ku soo qaaday fariisimahooda Yaaqbariweyne.

Meydadka badan ayuu sheegay in Shabaab ay uga carareen gudaha magaalada, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan meydadka kooxdaas.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidankiisa ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaalkaas, waxaana askartii dhaawacyadu soo gaareen ay isla xalay geeyeen saldhigga ciidamada Danab ee Ballidoogle, si loo daweeyo.

Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab uu ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna uu xigay weerar toos ah, kaas oo socday ilaa ay ka jebiyeen kooxdii soo weerartay ee Al-Shabaab.

Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan magaalada Yaaqbariweyne oo dagaalkaasi uu ka dhacay, islamarkaana ay sii eryanayaan firxadka Shabaab-kii ku soo duulay.

Xildhibaanka oo in ka badan bil ku sugan magaaladaas ayaa la weydiiyey sababta uu u joogo halkaas, wuxuuna sheegay in maalin kasta ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo ay ku guuleysteen inay kooxda ka xoreeyaan dhowr deegaan oo hoos taga degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Ad
Previous articleCiidamadii ku Maqna Dalka Eriteeriya oo Xalay Lagu soo Celiyay Muqdisho iyo Banaanbax aan Horay loo arag oo Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)
Next articleCiidamo Farabadan oo Maantay Markale Gaaray Deegaanka Bariujeed oo Shalay Dagaal Qaraar ka Dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here