Home Wararka Maanta Iiraan iyo Sacuudiga oo markii ugu horeysay ka wada hadlay xiisadda Falastiiniyiinta...

Iiraan iyo Sacuudiga oo markii ugu horeysay ka wada hadlay xiisadda Falastiiniyiinta iyo Isaa’iil

0

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa uu telefoonka kula hadlay, madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi.

Warbaahinta dlalka Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sheegaya, in hogaamiyeyaasha labada dal ay ka wada hadleen xiisadda falastiiniyiinta iyo israa’iil.

Waa wadahadalkii ugu horeeyay ee telefoonka ku dhex maray, tan iyo markii la sii amba qaaday xiriirka diplomaasiyadeed bishii Maarso.

Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen baahida loo qabo in la soo afjaro danbiyada dagaal ee ka dhanka ah falastiin, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dhaxal sugaha, wuxuu carrabka ku adkeeyay, in boqortooyada ay sameyneyso dadaallo suurtagal ah oo ay kula xiriireyso dhammaan dhinacyada caalamka, iyo kuwa gobolka si loo joojiyo weerarada isa soo taraya ee Qaza.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Sheekh oo magacaabay xubno ka shaqeynaya arrimaha diblumaasiyadda ee u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Soomaaliya
Next articleIsbitaalka ugu weyn Qasa oo qarka u saaran koronto la’aan iyo Masar oo codsi dirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here