Home Wararka Maanta Nuxurka Khudbaddii xasaasiga aheed ee Xasan Sheekh uu ka jeediyey shirka IGAD

Nuxurka Khudbaddii xasaasiga aheed ee Xasan Sheekh uu ka jeediyey shirka IGAD

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirkii deg degga ahaa ee madaxda IGAD ay isugu yimaadeen, taas oo diiradda uu ku saaray xadgudubka Itoobiya ay ku heyso midnimada iyo madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Khudbadda Madaxweynaha oo dhameystiran:

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan maanta isugu nimid shir-madaxeedkan aan caadiga ahayn ee IGAD si aan uga hadalno arrin aan qusayn Soomaaliya oo keliya balse sidoo kale quseysa gobolkayaga – waa falkii foosha xumaa ee sharci-darrada ahaa ee ay Itoobiya dhawaan qaadday.

1-dii Janaayo, 2024, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, Muuse Biixi ayaa galay heshiis is afgarad. Heshiis ku sheegaan waxaa uu u ogolaanaya Itoobiya in ay hesho 20 KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyo marinka dhulka ee soohdinta gacanka Cadmeed si ay ganacsi ahaan iyo ciidan ahaanba u isticmaasho muddo 50 sano ah.

Is-afgaradkan sharci-darrada ah waxaa la saxiixay iyadoo aan oggolaansho laga helin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ma ahan oo keliya ku xad-gudbida dastuurka dalkeenna ee wuxuu baalmarsan yahay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee loo dejiyay. Haddaba, ficilka Itoobiya wuxuu si cad ugu xad-gudbay mabaadi’da madax-bannaanida, madaxbannaanida dhuleed, ixtiraamka xudduudaha iyo faragelinta la’aanta ee ku xusan qodobka 4-aad ee Xeerka Aasaaska Midowga Afrika, Qodobka 6 (A) ee Dukumentiga lagu aasaasay IGAD, Qodobka 2aad. ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobo badan oo ku jira Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciyada Badaha.
Marka dib loo eego, tallaabadan aan horay loo arag ee Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ah mid aan la yaab lahayn, marka loo eego hadalladii gardarada ahaa ee uu bilihii la soo dhaafay ku sheegay in la helo marin joogto ah oo dhanka badda ah, iyadoo loo marayo wado kasta oo lagu heli karo.

Tusaale ahaan, Noofambar 2023, PM Abiy waxa uu soo xigtay dagaal-oogihii Itoobiya ee qarnigii 19-aad Ras Caluula, isaga oo ku andacoonaya Badda Cas inay tahay xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya. Ujeedka Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qabsato dhulka Soomaalida waxa si cad loogu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda 4-tii January 2024, kaas oo ku saabsanaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la galeen maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Muuse Biixi.

fursad weyn oo colaad gudaha ah ay uga qarxi karto gobolada Somaliland.

Qalalaasahan ayaa soo ifbaxaya xilli dalkaygu uu ku tallaabsanayo horumar la taaban karo, taasoo ka marag kacayso qaadista cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay, cafinta daymaha ee hoos yimaada HIPC, ku biirista bulshada Bariga Afrika, iyo bilawga geedi-socod dib-u-eegis dastuurka ee loo dhan yahay iyada oo loo marayo heshiisyo siyaasadeed oo heer qaran. Haddii ay Itoobiya ku sii adkaysato fulinta heshiiska sharci darada ah, waxay dib u dhac wayn ku noqon doontaa guulihii aynu ka gaarnay siyaasadda, dhaqaalha iyo amniga.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: IGAD oo Soo Saartay War ka Nixiyay Itoobiya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dowlada Imaaraadka oo qaaday tallaabo lama filaan ah kadib heshiiskii Biixi iyo Abiya Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here