Home Wararka Maanta Sida macallinkan diinta Masiixiga dhiga uu u soomo bisha Ramadaan iyo qisada...

Sida macallinkan diinta Masiixiga dhiga uu u soomo bisha Ramadaan iyo qisada ka qabsatay

0

Mika Stevens, waa 15 sano jir u dhashay dalka Nederland, wuxuu bilaabay inuu soomo bishan Ramdaan isagoo tilmaamay inuu doonayo in bisha dhan uu soomo.

Wiilkan Mika, ma aha Muslim ee waa macallin diinta masiixiga dhiga, wuxuu BBC News Carabi u sheegay: “Laba sano ka hor, walaalkay iga weyn, oo hadda 18 jir ah, wuxuu bilaabay inuu soomo oo si qarsoodi ah u qaato diinta Islaamka. Ma uusan hubin falcelinta qoyskayga sababtoo ah tillaabada noocaas ah lama aqbalin.” Hore ayay uga dhacday qoyskayaga Masiixiyiinta ah.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri “Laakiin markii ay waalidiintu ka war heleen arrintan oo ay kala hadleen, waxa ay soo dhaweeyeen go’aankiisa, waxa ay u furan yihiin xorriyad iyo dhaqamo kala duwan, aniga oo og in aabbahay aanu diin lahayn, hooyadayna ay tahay Kirishtaan tahayn ayaan haddana soomaa.”ayuu yiri Mika.

Wuxuu sheegay in walaalkiis u ahaa Masiixi ilaa uu 16 sano jir ahaa, balse markii uu la hadlay asxaabtisa oo muslimiin ah ka dinba uu akhiryey kutubkta Islaamka uu si qarsoodi ah u qaatay diinta islaamka, Mika wuxuu intaas ku daray in walaakkiisa ay la tahay “in wixii uu doonayey uu ka helay.”

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Biden oo u hanjabey Raysulwasaraha Israail ee Benjamin Netanyahu
Next articleNinkii ka dambeeyay toogashada iyo dhaca xaafadda Islii loogu geystay nin Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here