Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu Qabtay Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu Qabtay Muqdisho

0

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo qorsheynagay falal lidi ku ah amniga caasimada ee Muqdisho.

Xubnahan lasoo qabtay ayuu sheegay in mid kamid ah xilliga ciidamada ammaanka ay qabanayeen uu bambo ku tuurayay waaxda Suuq Bacaad, ayna sifo baalmarsan shuruucdii loo dejiyay guryaha kirada ee caasimada ay ku deganayeen guriga ay kasoo abaabulayeen falalka amni darro.

“Waxaan tagnay gurigii uu deganaa qofkaas Khawaarijta la shaqeynayay, waxaa naloo sheegay in markay soo degayeen aysan degmada iska diiwaan-gelin, qofkii guriga lahaana wuu iska kireystay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaashqiid.

Waxa uu digniin u direy dhamaan mulkiilayaasha guryaha ee degmada Yaaqshiid, isaga oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaaday mulkiilihii masuuliyad darrada sameeyay ee gurigiisa laga soo qabtay xubnaha Shabaabka.

“Waxaa halkan farriin uga direyna dhamaan shacabka degmada Yaashqiid, qofkii guri ka kireysta qof aysan ka warqabin maamulka degmada iyo laamaha ammaanka wixii imaada isaga masuuliyadiisa qaadaya. Gurigaas (lagu soo qabtay) go’aan ayaa ka gaareyna waana la xirayaa illaa amar dambe.”

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay in xog ku heleen inay soo galeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay in xubno badan oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo galeen caasimada, kadib culeys ay kala soo kulmeen gobollada dalka, oo uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda.

Si kastaba, waxaa Muqdisho muddooyinkii dambe ka socday howl-gallad amni oo dhankasta ah, taasi oo ugu horeeyo baaritaanada lagu sameynayo guri kasta oo ku yaalla Muqdisho iyo nawaaxigeeda, midaas oo wax badan ka tartay amniga caasimada.
Ad
Previous articleDuqayn Culus oo ka socota Koonfurta Mudug iyo Alshabaab oo Dhul Howd ah laga Saari la,yahay
Next articleSoomaaliland oo Jawaab Adag Siisay Madaxweynaha Dalka Uganda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here