Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Gacanta Ku Dhigay Mid ka mid ah Amniyaadka Alshabaab...

Ciidamada Dowlada oo Gacanta Ku Dhigay Mid ka mid ah Amniyaadka Alshabaab oo Dili rabay Askari ka Tirsan Ciidanka Dowlada

0

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Al-shabaab iyo bastoolad uu ku hubeysnaa.

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in xiiiga la qabanaayey ninkan uu damacsanaa inuu degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho dilo askari ka tirsan ciidanka ilaalada degaanka Xamar.

Afhayeenka ayaa xubinta la qabtay magaciisa ku sheegay Muxsin Cali Mustaf.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Degmada Wadajir gacanta ku soo dhigay Eedeysane Khawaarij Muxsin Cali Mustaf ina Hooyo Iisho Mukhtar Cali iyo bastooladiisa, oo maanta 09:50 barqanimo xili uu ku howlanaa inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Degaanka Xamar” ayuu yiri Afhayeenka.

Sadiiq Doodishe faahfaahin kama bixinin qaabka uu dhacay howlgalka lagu soo qabtay xubintan ka tirsan Al-Shabaab iyo sida ay ku suuragashay soo qabashadiisa.

Ad
Previous articleCiidamada Nabad sugida Soomaaliya oo Soo Qabatay Gudoomoye Degmo Xabsigana Dhigay
Next articleNin u dabaaldegay guushii Mareykanka ee Koobka Adduunka oo la dilay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here