Home Wararka Maanta Cali Jayte Cismaan oo oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan...

Cali Jayte Cismaan oo oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab kadib qaraxii ka dhacay Beledweyne

0

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan deeganka Teedaan ee gobolkaasi ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib qaraxii ka dhacay Beledweyne.

Cali Jayte oo ka qayb-galay kulan loogu duceynayay dhammaan dadkii ku geeriyooday xoreynta gobolka Hiiraan ayaa iclaamiyay dagaal horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ninkan oo hadda hoggaaminayo ciidamo Macawiisley ah ayaa wacad ku maray inuu u aargudi doono shacabkii lagu laayay Beledweyne, isla-markaana uu ka dhabeyn doono go’aankiisa cusub.

“Aniga qof Shabaab dilo inaan u tacsiyadeeyo mar hore ayaan go’aan ka gaaray, waan u aar guda mahe, hadana waxaa igu balan ah inaan u aar gudo dadkii shalay ay ku laayeen qaraxii Baledweyne” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay suurad xumeynayaan Diinteena, balse loo baahan yahay in la’iska dhiciyo oo meel looga soo wada jeesto.

“Al-Shabaab waa Diin ku dheel oo Diin ayay dadka nacsiyeen waxan arkay oo diyaarad isla raacnay Aabe labadiisa wiil Shabaab ka raaceen oo kasoo watay, markasuu igu yiri hada Tv ayaa guriga u yaal cajalado Music ah ayaan u shida weyna ku cayaaran Alx, bal arag heerka aabahiisa ay garsiiyeen kooxda arxanlawayaasha ah sidas ayay Diinta u dhibaateynayaan ee aan la dagaalno” ayuu yiri mar kale yiri guddoomiyihii hore ee Hiiraan.

Waxaa kale oo ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan ficillada gurracan ee kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ku biiraan dagaalka hadda socda.

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo dhawaan wada-hadal la galay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu qanciyay inuu kusoo laabto dagaalka, halkaasna uu ka wado halganka.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay Al-Shabaab, waxaana weli ka socda gulufka dagaal ka dhan ah kooxda, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Ad
Previous articleAxmed Mdoobe)oo soo saaray wareegto oo isku shaandheyn ballaaran oo lama filaan ah ku sameeyay golihiisa wasiirada
Next articleAxmed Madoobe oo Markii ugu Horaysay Mucaaradkiisa Ugu Yeeray inay Kismaayo yimaadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here