Home Wararka Maanta Mucaaradka Puntland oo war culus kasoo saaray go’aanka ay SSC uga baxeen...

Mucaaradka Puntland oo war culus kasoo saaray go’aanka ay SSC uga baxeen Puntland

0

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland oo shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkooda Arrimaha doorashada iyo go’aankii SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeed ka kooban laba bog oo ka soo baxay musharaxiinta ayay ugu horrayn ku sheegeen in ay ixtiraamayaan go’aanka isimada iyo Maamulka SSC-Khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland, balse waxay intaas raaciyeen in loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay, si loo kala guuro, oo ay u kala baxaan Puntland iyo SSC.

Golaha Musharaxiinta Puntland ayaa sidoo kale isku raacay in aan ka hor 31 Dec 2023 la soo xuli karin xildhibaannada laga soo doorto SSC-Khaatumo, inta laga helayo heshiis siyaasadeed oo xukuumadda iyo musharaxiinta mucaaradka ah ka gaaraan soo xulista 17-ka xildhibaan ee reer SSC.

Golaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan aqbali doonin xildhibaanno ku soo baxay habraac baal-marsan saxiixi Isimada ku soo xuleen xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland doorashadii Dec 2018.

Isimmada Khaatumo ayaa shalay soo saaray go’aan ay ku joojiyeen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland, kuwaas oo dhan 17 xildhibaan, taasi oo ka dhigan inay SSC iyo Puntland kala gurteen.

Go’aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan.

Sool iyo Buuhoodle ayaa lahaa tirada ugu badan ee hal beel ku lahayd baarlamaanka Puntland laakiin hadda go’aanka ayaa haddii uu hirgalo baddalaya qaabdhismeedka saamiqaybsiga baarlamaanka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal ka Dhacay Duleedka Baydhabo
Next articleXamaas oo oo Warkasoo saartay dadka xerada qaxootiga ee Marinka Qasa lagu laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here