Home Wararka Somaliya Galmudug Senotar Cabdixakiin Macalin Axmed oo Farsamo Layaab leh lacag Badan looga Dhacay

Senotar Cabdixakiin Macalin Axmed oo Farsamo Layaab leh lacag Badan looga Dhacay

0

Laanta Af-ka soomaaliga ee BBC ayaa qortay sheeko Indha-sarcaad ah oo lagu sameeyay Senator C/hakiim Macallin Axmed.

Sida Senatorkan Soomaaliyeed lacag looga dhacay markii ‘la sixray’

Xildhibaanka oo ka sheekeeyay sida ay u qabsatay dhacdadaan ayaa yiri ‘’ Xilli Salaadda Maqribka kadib waxa aan ka baxnay shaqadii Baarlamaanka Africa waxaana tagnay Hoteelkii aan daganeyn, waxaa ila socday wiil wariye ah oo deggan magaalada, aniga oo ka codsaday in uu igeeyo meel aan lacag kala soo baxo maadaama aan heystay kaarar bangi. Waxaa uu i geeyay mashiin lacag lagala baxo oo ku yaala mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee laga tukaameysto oo lagu magacaabo Mall of Africa’’.

kaddib markii ay gaareen suuqii waxa ay tageen goobta uu ku yaalay mashiinka lacagta lagala baxo, xildhibaanka ayaana galay qeybta lacag la bixidda oo ah meel loogu talagalay in uu isticmaalo qof kasta oo raba in uu lacag ula baxo, Mahad oo la socday xildhibaanka ayaana ku sugayay banaanka, wax yar ka dib waxaa yarkii la socday xildhibaanka u yimid nin weydiinayay tilmaam kaas oo iska dhigayay in uusan kala aqoon suuqa laga dukaameysto, balse waxa uu ugu jawaabay in uusan isna garaneyn waana uu ka aamusay, ninkii ayaa ka tagay, waxyar ka dib ayuuna ku soo laabtay isaga oo mar kale dib u weydiiyay su’aalo badan, balse Mahad ayaa ka gaabsaday oo aan u jawaabin, Ninka oo ujeedkiisa ahaa sidii uu ugu dhawaan lahaa mahad ayaa dhahay maxaad isku xanaajineysaa ka dibna gacan ayuu u taagay si uu raali galiyo balse ujeedka uu gacanta ugu taagayay ayaa ahayd in uu indho-sarcaadiyo si uu u mashquuliyo.

Intaas ka dib xildhibaanka ayaa sheegay in uu ninka soo wajahay oo ugu soo galay qeybta mashiinka lacagta lagala baxo oo isagu ku jiray, ka dibna uu hadal ku bilaabay.

‘’Markii uu soo galay qeybta aan ku jiray dhabarka ayuu iga taabtay kadibna waxa uu igu yiri maxaad meesha u taagan tahay kaar kaaga maba shaqeynayo oo mashiinka ayaa liqay, anigoo yaaban ayaana ugu jawaabay maxaa la sameyn karaa, kadib ayuu idhahay anigaa ku caawinaya ee halkaan Number sireedkaaga ku qor si uu kaarka u soo baxo, markii aan uqoray ayuu iweydiiyay in aan heysto kaar kale si aan u hubino in cilladda ay tahay mashiinka iyo in kale, waana ku wareejiyay kaarkii kale waxa uuna iga qortay number sireedka kaarka kale, sidaas ayuuna ku qaatay labadeydii kaar ee bangiga’’

Xildhibaankii oo wareejiyay kaararkiisii bangiga, oo sidoo kale laga qortay number sireedka ayaa waxaa u yimid wiilkii la socday kaas oo weydiiyay sababta ninkaan uu gudaha u soo galay iyo waxa meesha ka dhacaya, waxa uuna ugu jawaabay in ninka uu ka caawinayo kaararkiisii oo mashiinku ka liqay, waxyar oo uu la joogay kadib ninkii ayaa ku dhahay cillad guud ayaa jirta ee farsamo yaqaano ama dad xaliya oo kaararka soo saara aan idiin raadiyo, sidaas ayuuna uga tagay, muddo kooban oo ay meesha ku sugayeen ayay is weydiiyeen halka ninku aaday iyo waxa uu ahaa waxaana u soo baxday in la dhacay oo aysan jirn waxa uu ka sheekeynaayay ninkaan, Markii ay sii sheekeysteen xildhibaanka iyo wiilkii wariyaha ahaa ee la socday waxa ay ogaadeen in taabashadii iyo salaantii lagu indho sarcaadiyay, kadib xildhibaanka ayaa markiiba waxa uu Mobilkiisa ka eegay qeybta Online-ka Akoomadiisa si uu uhubiyo una diiwaan galiyo in kaararkiisa laga qaatay oo loogu xanibo dhaq-dhaqaaqa balse nasiib darro waxa uu ogaaday in lacagtii ugu jirtay oo dhan lagala baxay.

Halkee ayay dhacdadaan ku qabsatay Xildhibaanka?

Xaafad ka tirsan Johannesburg oo lagu magacaabo Midrand ayuu xarun ku leeyahay Baarlamaanka Midowga Africa oo uu ka mid ahaa xildhibaanka.
Waxaa xusid mudan in wariyaha la socday xildhibaanka horay dhacdadaan oo kale uu la kulmay waxaana la dhacay xaaskiisa xilli ay iyadana ka dukaameysaneysay mid kamid ah suuqyada yaala Johannesburg.

Inkasta oo indho sarcaadkaan oo dadka qaarna sixir ay u arkaan uu jiro, meelo badanna laga adeegsado, dalka Koonfur Africa waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan taabashada taas oo u jeedkeeda ay tahay in qofka waxa uu wato laga qaato.

Isha BBC News Somali.

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo qaliin ku galay Dalka Imaaraadka(Xog)
Next articleGanacsade Bartamaha Guriceel caawa loogu Dhexdilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here