Home Wararka Maanta Safiirkii Qatar oo Xalay Xaflad Sagootin ah loogu qabtay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Safiirkii Qatar oo Xalay Xaflad Sagootin ah loogu qabtay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Omar Jama Huruse ayaa maanta kulan sagootin ah kula yeeshay xafiiskiisa Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan bin Xamza Asad Mohammed Hashim, oo shaqadiisii safiirnimo ee uu ku joogay dalka Soomaaliya siddeeddii (8) sano ee ugu dameysey soo gunnaanaday.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay xiriirkii iyo wada shaqayntii wanaagsanayd ee uu la lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo taageerada ay dawladda Qatar marwalba la garab taagan tahay dalkeena Soomaaliya.

Si kastaba, Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi u magacaabay inuu noqdo Safiirka xigga ee Qatar u fadhiya Somaliya kadib Digreeto ka soo baxday Xafiiska Amiirka, ayna baahisay Wakaaladda Wararka ee dalkaasi.

Magacaabistiisan ayaa imaanaysa, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo in booqashadiisii ugu horreysay uu dalkaasi ku taggo.

Ad
Previous articleGanacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geestay magaalo kutaalla dalka Koonfur Afrika
Next articleGudoomiye aadan Madoobe oo hospitalka Ku Booqday Gudoomiye Jawaari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here