Home Wararka Maanta Maxaa kajira in Burkii Dhacay ee lagu Qabtay Dakada lagu Fasaxay Suuqa...

Maxaa kajira in Burkii Dhacay ee lagu Qabtay Dakada lagu Fasaxay Suuqa Muqdisho?

0

Dekadda magaalada Muqdisho dhawaan waxaa lagu qabtay kunteenaro ay ku jireen bur dhacay oo laga keenay dalka dibadiisa, kaa oo la doonayay in la galiyo suuqyada magaalada Muqdisho si bulshada looga iibiyo.

Hay’adda Tayodhorka ayaana burkan ku qabatay dekadda magaalada Muqdisho oo laga soo dejiyay, waxaana qabashada burkan dhacay ka dhashay muran ,iyadoona ganacsatada dalka keentay burkan kasoo horjeesteen in burkooda la xanibo .

Baarista burkan dhacay ayaa loo xil saaray xildhibaano katirsan guddiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee golaha shacabka, kuwaa oo baaitaano ku sameeyay jiritaanka burka la qabtay in uu dhacay iyo dooda ay keeneen ganacsatada burkaasi lahaa.

Bayaan ay soo saareen guddigan ayey ku sheegeen in baaris ay ku sameyeen burka lagu qabtay dekadda Muqdisho uga soo baxday in burkaasi yahay mid dhacay loona baahan yahay in laga ilaaliyo in gudaha loo galiyo suuqtada si bulshada loogu dhibaateeyo.

Ad
Previous articleXamza Cabdi Barre oo u nasteexeeyey madaxweyne Farmaajo
Next articleDagaal culus oo uu ku Geeriyooday Taliye libaan Golcad oo kasoo jeeda Galmudug oo saakay ka dhacay…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here