Home Wararka Maanta Cabdiweli (Gaas) oo ku biiray siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid qodobadii...

Cabdiweli (Gaas) oo ku biiray siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

0

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedyada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku biiray siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii dambe ka socday xarunta Villa Somaliaa, kaasi oo  go’aano culus laga soo saaray.

Cabdiweli Gaas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay war-murtiyeedka kasoo baxay shirkaasi, kaasi oo wax ka beddal loogu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah.

Gaas ayaa sidoo kale waxa u sheegay in war-murtiyeedka iyo heshiisyada ay gaareen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ay yihiin kuwa aan la jaan-qaadi kareyn wadciga maanta lagu jiro.

“Warka xalay ka soo yeeray Villa Somalia maaha wax la aqbali karo, mana aha wax u cuntami kara Umadda Soomaaliyeed iyo wadciga maanta lagu jiro,” ayuu ku yiri Gaas qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu soo dhigay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay 12 qodob oo xasaasi ah laga saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Golaha ayaa baahiyey in heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey waxay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee liiska xiran (Proportional Representation – Closed List).
Ad
Previous articleCiidamada Uganda oo dad isku QOYS ahaa ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose
Next articleTaliye Odowaa iyo Taliye Biixi oo saraakiil Mareykan ah oo Gaaray GALCAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here