Home Wararka Maanta Ciidamadii ku Maqna Dalka Eriteeriya oo Xalay Lagu soo Celiyay Muqdisho iyo...

Ciidamadii ku Maqna Dalka Eriteeriya oo Xalay Lagu soo Celiyay Muqdisho iyo Banaanbax aan Horay loo arag oo Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)

0

Magaalada Muqdisho waxaa gabal-dhicii shalay ku soo bilowday diyaarado sida ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo ilaa xalay saqdii dhexe soo degaayey.

Ciidamada laga soo celinayo Eritrea qaarkood waxay dalka ka maqnaayeen in ka badan shan sano, waxayna ciidamadaan soo mareen tababarrada ugu adag ee ciidan la siiyo, maadaama dowladda gacanta ku heysay ee Eritrea ay tahay mid ku ad-adag arrimaha ciidanka.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda, iyagoo soo dhaweynaya ciidamada laga soo daabulayo dalka Eritrea oo tababar adag ay ku soo mareen.

Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ilaa KM 4 waxaa xalay isugu soo baxay dadweyne aad u badan oo ku faraxsan dib u soo celinta ciidankii tababarka ugu maqnaa dadka Soomaaliyeed.

Markii laga soo tago ehellada, waxaa banaan-baxaan xalay soo camiray dad badan oo ku faraxsan soo noqoshada ciidankaan u soo tababartay dalkooda.

Waxaa la xiray jidadka muhiimka ah ee degmooyinka xiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si aan loo dhibaatey ciidamadaan cusub.

Ciidamadaan ayaa aad looga sugayey Soomaaliya, dalka ayaa ku jira waayo ay halgan adag lagulajiro Khawaarijta, waxayna inta badan ciidamadaan ku biirayaan dagaalka ka socda gobollada dalka.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, waxaa maalin kasta Muqdisho imaa doona dowr diyaaradood oo sida ciidankaas, ilaa ay ka soo dhamaadaan ciidan ku dhow 8,000 oo dalka Eritrea tababar ku dhameystay.

Dhawaan Madaxweynaha ayaa ciidamadaan ku kormeeray xeryihii lagu siiyey tababarka, heshiisyo uu qeyb ka yahay soo celinta ciidankaan ayaa dhex maray Xasan Sheekh iyo Maxaxweynaha Eritrea, waxaana hadda bilowday fulinta heshiiskaas.
Ad
Previous articleWasiir Rooboow Walaalkiis oo Goordhow Xabsiga laga soo Daayay
Next articleDegmadii uu abaabulka Kawaday Daahir Amin Jeesoow oo Alshabaab weerar Culus ku Qaadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here