Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay war laga faafiyay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay war laga faafiyay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay in agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cabdul uu dalka ka baxsaday.

War ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warkaas baxsashada ku saabsan.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri, “wasaaraddu waxay caddeynaysaa in wax isbadel maamul ah aanu ka dhicin hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha,”.

Bayaanka ayaa intaa ku daraya in Cabdulqaadir Cilmi Cabdul uu ku maqanyahay fasax uu ku wargeliyay wasaaradda amniga gudaha.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo ka hadashay sababta Axmed Madoobe ay ugu taageertay magacaabista maamulka Gedo
Next articleShir heerkiisu sareeyo oo arrimo muhiim ah looga hadlayo ka furmay Muqdisho (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here