Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Jawaab Culus ka Bixisay Eedeyntii Shalay uu Jeediyay Madaxweyne Xasan...

Puntland oo Jawaab Culus ka Bixisay Eedeyntii Shalay uu Jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Dowlad goboleedka Puntland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn uga digay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan doorashada maamulkaasi.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer Puntland ee mucaaradsan.

Wasiirka caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ka jawaabay hadalkaasi ayaa eedda madaxweynaha mid waxba kama jiraan ah, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Cabdiwahaab ayaa xusay in aysan burbureyn Puntland, isla-markaana ay muhiim tahay in waxa laga barto dabeylihii siyaasadeed ee hore iyo sida looga soo gudbay.

“Puntland burburi mayso, balana kama jirto. Waxaa fiicnaan laheyd in wax laga barto duulaamadii wajiyada badnaa ee horey loogu soo qaadey Galkacyo, Suuj, Garmaal iyo Garacad, iyo duufaamihii siyaasadda ee dhammaantood isku ujeedka ahaa laguna guul daraystay kuligood,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii data in eedeymaha loo soo jeedinayo aysan waxba soo kordhin doonin, isla-markaana ah sii wadayaan dadaalkooda ku aadan geeddiga doorashada qof iyo cod ee la filayo inay ka dhacaan magaalooyinka maamulkaasi.

Lama oga sida ay waxa noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda Puntland oo kasii dartay markii Khamiistii golaha wasiirada maamulkaas ay ansixiyeen wax ka beddal lagu sameeyo Dastuurka, xilli la’isku diyaarinayo doorashada guud.

Golaha ayaa isku raacay in xisbiyada siyaasadda Puntland laga dhigo shan xisbi, halka ay markii hore ahayd saddex xisbi, ayada oo loo sii gudbiyay Baarlamanka, si uu u ansixiyo.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, ayadoo haatan ay bsii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi, kaas oo uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Maleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Dad ku laayay Deegaano Ka Tirsan Galmudug
Next articleAfar carruur oo walaalo ah oo ku geeriyooday Muqdisho kadib markii uu kusoo Dumay Gurigeeda Ayagoo jiifa(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here