Home Wararka Maanta Faroole oo si adag uga hadlay habraaca wax ka beddelka ee ay...

Faroole oo si adag uga hadlay habraaca wax ka beddelka ee ay saxiixeen xildhibaanada labada aqal.

0

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa si adag uga hadlay habraaca wax ka beddelka ee ay shalay saxiixeen xildhibaanada labada aqal.

Faroole ayaa kasoo horjeestay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in la qaaday, ayada oo aan heshiis lagu ahayn wax ka beddelka Dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka shalay ay gaareen xildhibaannada uusan ahayn mid cadaalad ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Shalay waxaa Muqdisho kasoo baxay wax cadaalad ahayn oo waxaa lagu takrifalay jiritaanka dalka” ayuu yiri madaxweynihii hore ee maamulka Pununtland.

Senatorka ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ka dalbday in aanu saxiixin xeerkaas, inta laga heshiinayo.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaan u sheegayaa in wixii kasoo baxay Baarlamaanka in uusan saxiixin inta laga heshiinayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa Faroole waxa uu ka sheegay caleema saarka madaxweyne Deni oo uu goobjoog ka ahaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Horay waxaa tallaabada baarlamaanka u diiray madaxweyneyaa hore oo uu kamid yahay Farmaajo, kaas oo yiri ““Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dadkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasaasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gobanimadooda,”.

Shariif ayaa dhankiisa cambaareeyay “”Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Shariif.

Ad
Previous articleDegmo kale oo Ka Tirsan Galmudug oo Goordhow Lagu Duqeeyey Alshabaab
Next articleWararkii ugu Dabeeyey Xiisadda Somaliland oo dib usoo laba kacleysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here