Home Wararka Somaliya Galmudug Deg deg: Niman watay Jaakadaha Qarax oo lagu Qabtay Guriceel

Deg deg: Niman watay Jaakadaha Qarax oo lagu Qabtay Guriceel

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo laba qof oo la socotay, kuwaasoo laamaha amaanka ay baaritaano ku hayaan.

Sida wararku sheegayaan, gaariga waxa uu ka yimid dhanka deegaanka Dhagaxyaale, oo qiyaastii 50km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Guriceel, lama soo sheegin bartilmaameedkiisa saxda ahaa walow baaritaana ay yihiin kuwo cusub oo aan durba faah faahin dheri ah laga heli karin.

 

 

Saraakiil ka tirsan Guutada 15aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalkan sameeyay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dadka deegaanka ay soo siiyeen xogta gaariga inta uusan Guriceel soo gelin oo ay u diyaarsanaayeen qabashada gaariga iyo dadkii la socdayba.

“Qaraxyada waxay isugu jiraan kuwa baabuurta lagu dhejiyo iyo jaakadaha ka sameysan qaraxyada, ee naftood halligeyaasha ay adeegsadaan, Ciidamada oo ka feejigan dhagaraha iyo shirqoolada ay maleygayaan nimankan cadowga ah baa waxay gacanta ku dhigeen gaarigan iyo raggii watayba.” ayey yiraahdeen saraakiisha.

Ad
Previous articleCali cosoble oo habaar kala Dul dhacay Farmaajo
Next articleAmaanka P.M Rooble oo Si wayn loo adkeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here