Home Wararka Maanta Hooyo Gabadheeda Si arxan Dara ah ugu Dishay Magaalada Muqdisho

Hooyo Gabadheeda Si arxan Dara ah ugu Dishay Magaalada Muqdisho

0

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana dhacdooyinkan qaarkood noqdeen kuwa si weyn bulshada uga argagaxeen.

Hooyo kunool degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa si arxan daro ah dishay gabar yar oo ay dhashay oo 9-sano jir aheyd, waxaana la sheegay in hooyadan in si arxan daro ah u garaacday gabadheeda sidaasna u geeriyootay.

Dhacdadan ayaa ayaa guri kuyaalla degmada Wadajir ka dhacday maalintii khamiista , hasa ahaatee waxaa ehelada gabadhan iyo dadka dariska la ah guriga falku ka dhacay ogaadeen shalay oo jimco ah.

Gabadha ayaa la sheegay in hooyada qol ku xiratay kaddibna si arxan daro ah u garaacday una ceejisay, waxaana dilka kadib hooyadan meydka gabadheeda ku qarisay sariir hoostiis kahor inta aan laga war helin.

Hooyada dilka u geesatay gabadheeda yar ayaa hada ku xiran laanta dambi baarista ee CID-da , ciidamada booliiska ayaana baaraya sababta hooyadan sida argagaxa leh ugu dishay gabadha yar ay dhashay.

Dilalka argagaxa leh ayaana noqday kuwa kusoo batay dhagaha dadka Soomaaliyeed, waxaana billo kahor Muqdisho aabe ku dilay wiilkiisa halka wiil uu isna ku dilay aabihiis, waxaa sidoo kale jira dhacdooyin kale oo kuwaan kasii argagax badan oo dhacay

Ad
Previous articleMaayarka magaalada Gaalkacyo oo Maantay Kormeeray Xarumo Muhiim ah oo Kuyaala Gaalkacyo(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Maantay Saxiixay 10 Sharci(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here