Home Wararka Maanta Shiikh Shaakir iyo Saraakiishii Ugu Sareeyey Ahlusuna oo Xogtooda lahelay Xagee Ku...

Shiikh Shaakir iyo Saraakiishii Ugu Sareeyey Ahlusuna oo Xogtooda lahelay Xagee Ku Danbeyeen(Akhriso)

0
ciidamada Ahlusuna oo Subaxnimadii Jimcaha Weerar Culus Kusoo Qaaday Magadaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa ku jabay Dagaalkii ay kusoo Qaadeen Dhuusamareeb.
Dagaalka oo Saacado Badan Qaatay ayaa Ahlusuna Xoog looga Saaray Dhuusamareeb, Sidoo kale inta ay ku mashquul sanaayeen Dagaalka Dhuusamareeb ayaa laga Qabsaday Saldhigi ay kasoo Duuleen ee Bohol.
Ciidamadii iyo Gaadiidkii ay wateen ayaa Xalay Saqdhexe waxaa la wareegay Dowlada Galmudug Kadib markii ay is dhiibiin.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sheikh Shaakir oo ahaa masuulkii ay ka amar qaadanayeen kooxdii laga saarey Dhuusamareeb ee la baxday Ahlusunna oo ay la socdaan sideed kamid ah horjoogayaashii Ciidankiisa, ayaa gaarey Deegaanada Maamulka Puntland oo Mas’uuliyiinta Galmudug dhowr jeer ku eedeeyay in ay saldhig u tahay rabshadahan soo laalaabtey.
Sidoo kale xubno uu kamid yahay Axmed Faarax ( Falalaqwayne ) oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii Dhuusamareeb kooxdu ka geysatey ayaa wali baxsad ah.
Ad
Previous articleBangiyada Ku yaal Muqdishu oo Caqabad Cusub Soo Kordhiyay Si Xildhibaanada lacago loogu Dhexmarsiiyo
Next articleFarmaajo oo gaaray Afisyoone iyo Wararkii ugu Dambeeyay ee Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here