Home Wararka Maanta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka...

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galka oo ay ciidamada xoogga dalka ka sameeyeen tuullo lagu magacaabo Makiiney oo 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Xudur ayaa waxaa lagu dilay saddex kamid ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa howl-galkaan kooxda looga furtay hubkii ay wateen maleeshiyaadkii la dilay, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiishii howl-galka hoggaamineysay.

Howl-galkaan ayaa qeyb ka ah kuwa ay maalmahaan ciidanka xoogga dalka ka wadeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool, kuwaasi oo khasaare kala duwan loogu gaystay kooxda.

Howl-galladaan ayaa waxay bilow u yihiin dadaallada lagu doonayo in dhammaan deegaanada Koofur Galbeed looga saaro kooxda Al-Shabaab.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa si rasmi ah uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horay ugu dhawaaqay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sido kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Ad
Previous articleCabdiraxman Cabdishakur Oo nasiib darro ku tilmaamay dhaqan ay ka siman yihiin inta badan madaxda Soomaalida
Next articleWaa kumaa qofka ay Xamas qafaalatay ee aaska loo sameeyay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here