Home Wararka Maanta Soomaaliland iyo Soomaaliya oo isku Haaya Hawada Soomaaliya iyo Diyaarad israil laga...

Soomaaliland iyo Soomaaliya oo isku Haaya Hawada Soomaaliya iyo Diyaarad israil laga leeyahay oo hawada Soomaaliya lagu Dhibaateeyey

0

Diyaarad sumadeedu ay tahay El Al Boeing 787-9, kana soo duushay Phuket ee dalka Thailand kuna wajahneed magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa la sheegay in markii ay maraysay hawada Soomaaliyaay la kulantay khal-khal.

Shirkadda El Al ayaa sheegtay in shil ku dhacay mid ka mid ah duullimaadyadeeda oo dul maraysay hawada Soomaaliya aysan ahayn arrin amni, isla markaana aan lagu bartilmaameedsaneyn shirkadda diyaaradaha ee Israa’iil.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Ynet, El Al waxaa khal-khal ku yimid raadiyaha diyaaradda, iyadoo shirkadu meesha ka saartay in falkaasi uu ahaa mid loola jeeday duulimaadkooda.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in arrintaan ay tahay waxyaabihii ay horey dowladda Soomaaliya uga digeysay ee dhinac hawada ah. Waxa ayna shaaciyeen in shilkaan aanu saameyn ku yeellan doonin duulimaadyada diyaaradaheeda.

Ad
Previous articleMaraykanka oo ka Hadlay Dhaqaatiir Ajaanib ah oo u Afuubnaa Alshabaab oo Duqayn uu ku laayay
Next articleBadri Cabdiraxmaan oo Dhawaan Dilay Cabdullahi Yuusuf oo Xukun Adag lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here