Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalka Sudaan oo dib uga qarxay magaalooyinka qaar

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalka Sudaan oo dib uga qarxay magaalooyinka qaar

0

Sida lagasoo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaal ayaa maanta oo Axad ah ka qarxay magaalada Nyala ee galbeedka Suudaan iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Koonfurta Darfur, goobjoogayaal ayaa sidaasi sheegay. Dagalka dabadheeraaday ee Suudaan ayaa laga cabsi qabaa in uu gobolka oo dhan ku baaho.

Colaadda ayaa keentay dagaallo maalinle ah oo ka dhaca waddooyinka caasimadda Khartoum, dib u soo nooleynta weerarrada qowmiyadaha ku saleysan ee Galbeedka Darfur, iyo barakaca in ka badan 4 milyan oo qof oo ku nool Suudaan iyo xudduudaha ay wadaagaan Chad, Masar, Koonfur Sudan iyo dalal kale. .

Iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdega ah ayaa xilliyada qaar ka dhacayay Nyala, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka isla markaana xarun istiraatiiji u ah gobolka jilicsan ee Darfur.

Iska horimaadkii ugu dambeeyay ayaa socday saddex maalmood, iyadoo ciidamada milatariga dalka iyo kuwa RSF ay madaafiic ku ridayeen xaafado la deggan yahay, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Dagaalada ayaa waxa ay waxyeelo gaarsiiyeen Korontada,Biyaha iyo Isgaarsiinta.

Ugu yaraan siddeed qof ayaa la dilay Sabtidii oo keliya, sida uu sheegay Ururka Qareennada Darfur, oo ah kormeeraha xuquuqda aadanaha ee qaranka.

Ad
Previous articleAgaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo Shaaciyay Sababtii uubisku Casilay
Next articleQaraxyo Alshabaab Gaysan Rabeen oo La Fashiliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here