Home Wararka Maanta Al Shabaab oo soo bandhigtay hub aad u tiro badan oo ay...

Al Shabaab oo soo bandhigtay hub aad u tiro badan oo ay ka qabsadeen Ciidanka Dowlada ee Ku sugnaa Degmo ka Tirsan Galmudug (Sawirro)

0

Al Shabaab ayaa mar kale soo bandhigtay hub aad u tiro badan iyo agab kale oo nuuca ciidamada ah oo ay sheegeen in ay kusoo furteen weerarkii maalin kahor ku qaadeen deegaanka Masagaway ee gobolka Galgaduud.

Hubka Al Shabaab soo bandhigeen ayaa isugu jira gaadiidka nuuca dagaalka ah ee loo yaqaan Cabdi Bilaha iyo sidoo kale hub nuucyo kala duwan leh, rasaas iyo dharka ciidamada iyo kabaha ay isticmaalaan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in hubkan iyo agabka ciidanka kasoo furteen ciidankii laga keenay dalka Eritrea, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in weerarkan ku dilay askar aad u tiro badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilantay kahor taga weerarada gaadmada ah ee kooxda Al Shabaab kusoo qaadaan xeryaha ciidamada, waxa ayna Al Shabaab marar badan gaadiid dagaal iyo hub ku qabsadeen weerarada gaadmada ah ay xeryaha ku qaadaan.

Ad
Previous articleRuushka iyo Soomaaliya Oo Xariirkoodii dib usoo nooleeyey
Next articleWadahadalladii dowladda iyo mucaaradka Kenya oo lagu kala tagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here