Home Wararka Maanta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo musuq lagu...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo musuq lagu eedeeyay xayiraad socdaalna la saaray

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar xayiraad dhanka safarka ah oo lagu soo rogay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Bashiir Macallin Cali Xasan, kaas lagu eedeyay musuqmaasuq.

Qoraal ay maxkamaduu soo saartay ayey ku sheegtay inuu codsigu uga yimid Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo ay tilmaamtay inuu baaris ku hayo agaasimaha.

“Waxay aqbashaday Maxkamadda codsiga Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ee xayiraadda, waxayna go’aamisay in xayiraad safar la saaro eedeysane Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in aAgaasimahan loo haysto musuq-maasuqay ku lug leh deeq lacageed oo ka timid dowladda Shiinaha, taas oo uu isagu maamulayey.

Ad
Previous articleMaxaa kasoo baxay baaritaanka shilkii uu ku lug lahaa wiilka madaxweynaha Soomaaliya?
Next articleMadaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi oo mar kale ku guuleystay doorashada dalka Masar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here