Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo markii ugu horeysay sheegtay in SSC-Khaatumo u aqoonsaneyn dowlad-goboleed...

Qaramada Midoobay oo markii ugu horeysay sheegtay in SSC-Khaatumo u aqoonsaneyn dowlad-goboleed rasmi ah

0

Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay sheegtay in SSC-Khaatumo u aqoonsaneyn dowlad-goboleed rasmi ah, xilli dhawaan ay dowladda federaalka shaacisay inay aqoonsatay maamulka KMG ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing oo wareysi siisay Mustaqbal Media ayaa sheegtay in SSC-Khaatumo aysan si toos ah u aqoonsaneyn.

Waxay ka dhawaajisay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu yaallo dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana tallaabadii ay dhawaan qaaday dhawaana aysan ka dhigneyn in rasmi ahaan loo aqoonsaday maamul goboleed.

“Dabcan Qaramada Midoobay si toos ah uma aqoonsana maamul goboleed, waxa uu go’aankaasi u yaalla dowladda federaalka Soomaaliya, aniga sidaa u fahmay ayaa ah in aan loo aqoonsan maamul gaar ah,” ayey tiri Catriona Laing oo ah Wakiilka QM ee Soomaaliya.

Catriona ayaa dhinaca kale waxay ugu baaqday SSC-Khaatumo iyo Somaliland in ay ka baaqsadaan dagaal kale oo dhaliya khasaare horleh, islamarkaana ay galaan wada-hadallo xal nabadeed lagu gaarl, sida ay hadalka u dhigtay.

“Midda labaad ayaa ah in labada dhinac aysan isla galin dagaalo kale, ugu dambeyna labada dhinac in ay isla galaan wada-hadalo dhanka nabada ah, taasi oo soo keeneysa.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqday shacabkii ka barakacay dagaalka Laascaanood in ay dib ugu laabtaan magaalada, si bey tiri ay markale ugu soo dhisaan noloshooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ad
Previous articleTaliska ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ee Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray
Next articleDowladda federaalka Soomaaliya oo amar cusub kusoo rogtay shirkadaha iyo hay’addaha hubka ku dhex haysta magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here