Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo ka Hadlay Go,aankii lama Filaan ka ahaa ee Uu...

Xasan Shiikh oo ka Hadlay Go,aankii lama Filaan ka ahaa ee Uu Qaatay Deni

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uga tanaasulay doorashadii qof iyo codka aheyd ee uu muddo ku dheganaa.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland, kadib markii, sida uu yiri, reer Puntland ay la qaada waayeen go’aankiisii ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal xalay kasoo baxay ku sheegay “inuu soo dhoweynayo miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin dhinacyada siyaasadda iyo go’aanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo lagaga gudbayo hubinti la’aantii muddadan ka jirtay arrimaha doorashooyinka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in go’aanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada, waxa uuna muujiyey sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland.
Ad
Previous articleDeni oo Qaatay go’aan xasaasi ah kana laabtay go’aankiisii doorashada ee sida weyn loo diidanaa.
Next articleHaweeneey 75bjir ahayd oo si Arxan Dara ah loogu Dilay Magaalada Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here