Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo Ehel la ah Madaxweyne Xasan Sheikh oo si la yaab leh...

Ciidamo Ehel la ah Madaxweyne Xasan Sheikh oo si la yaab leh Mushaarkii Looga jaray (Akhriso)

0

Dhamaan askartaan waa kuwa shaqeeya, kuwa dhintay iyo kuwa naafa noqday iyagoo Qaranka u adeegaya Kuwaas oo Beel ahaan loo beegsaday.

Dhawaan waxaan idinla wadaagi doonaa Xogta iyo Magacyada askarta dhimatay ee xuquuqda laga jaray caruurtooda iyo Kuwa u naafoobay Qaranka oo xuquuqdii Laga jaray.

Xogta aan helay ayaa sheegaya in askartaan badankood ay ku suganyihiin Xaaji Cali Buula-burde iyo Gooba kale oo Qeybta 27aad ay ka arimiso waana Hal urur oo ah Ururka 52aad ee Qeybta 27aad, waxayna u badanyihiin askar Taageertay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud xligii Doorashada uu ku guulaystay iyo Kuwa Ehel la ah.

Ururka 52aad ee Qeybta 27aad waxuu ka Tirsan yahay Guutada 4aad ee Korneel saney Cabdulle uu xakumo waxaana dhibaatadaan Lagu haayay Tan iyo Markii xilka Laga qaaday Taliyahii Qeybta Janaraal Tareedishe oo Soo dhisay Qeybta 27aad, waxaana durbadiiba xilka Laga qaaday Taliyihii ururka oo Magaciis Lagu soo koobay cagale waxaana Lagu badalay Cabdi Sarkaal Lagu magacaabo

Taliyaha cusub ee ururkaas Cabdi oo aan la socon Xogta Hoose ee Taliyaha Xooga Taliyaha Lugta iyo Taliyaha Qeybta Tabane Gurey Ayaa xilkaan la wareegay waxaana Saraakiil Hoose ay Mudug24 la wadaageen in Shir ay yeesheen Saraakiisha kor ku xisan Lagu Heshiiyay in la baabi’iyo ururkaan 52aad oo Hal Beel u badan, waana Beesha Madaxweyne Xasan Sheikh

Askari shaqa wata, mid dhintay iyo Naafa ah maxay tahay danta Laga leeyahay, ma waxaa falkaan fulinaya shaqsiyaad saaxiib la ah Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Farmaajo.

 

Ad
Previous articleWiil Youtube-ka caan ka ah oo geeridiisa la wadaagay taageerayaashiisa
Next articleFanaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo geeriyootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here