Home Wararka Maanta Hoobiyayaal lagu Garaacay Xalane iyo Shaqaale Qaramada Midoobay ka Tirsanaa oo ku...

Hoobiyayaal lagu Garaacay Xalane iyo Shaqaale Qaramada Midoobay ka Tirsanaa oo ku Dhintay

0

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerar hoobiye oo lagu soo qaaday xalay, kaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobe.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay kusoo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Sidoo kale waxay intaas kusii dartay “Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag.”

Ka sokow dhimashada weerarka ayaa sidoo kale gaystay waxyeello soo gaartay kaabayaasha Qaramada Midoobe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in kooxda ay fulisay weerarka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in dadka mas’uulka ka ah weerarkan la horkeeno sharciga, waxayna sheegtay inay weli ka go’an tahay inay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ka taageerto dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ad
Previous articleDowlada Itoobiya oo Hanjabaad Hor leh soo Saartay
Next articleXagee ku Danbeeyey Howlgalkii Koonfurta Gobalka Mudug kadib Geeridii Suulnuug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here