Home Wararka Maanta Erdogan oo 12 sano kadib booqday Masar

Erdogan oo 12 sano kadib booqday Masar

0

Booqashada Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu manta oo Arbaca ah ku tagay caasimadda Masar ee Qaahira, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee inta uu madaxweynaha ahaa tan iyo markii uu Ra’iisal Wasaare noqday oo uu Masar booqday bishii September ee sannadkii 2012-kii.

Laba iyo toban sano ayaa ah farqiga u dhexeeya labada booqasho, muddadaas oo xiriirka Qaahira iyo Ankara uu soo maray isbedel aad u weyn, oo ku soo beegmay isbedelkii waagii Gu’ga Carabta, isagoo gaaray heer safiirrada lagala baxo, lana joojiyo dhammaan noocyada xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, iyo xitaa Khilaaf u dhexeeya madaxda labada dal tan iyo 2013-kii, ka hor inta uusan xiriirku si tartiib tartiib ah u hagaagin dhawaan.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in sannadahan oo dhan, iskaashiga dhaqaale ee Masar iyo Turkiga aanu wiiqmin, balse uu labanlaabmay ilaa uu sannadkii hore gaadhay $10 bilyan.

Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu wacad ku maray in uu kor u qaadi doono ganacsiga Masar oo uu gaadhsiin doono 15 bilyan oo dollar muddo gaaban gudaheed, isaga oo intaa ku daray in labada dal ay qiimaynayaan iskaashiga tamarta iyo difaaca.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Gaartay imaaradka Carabta Kadib Dilkii Sariikooshada ee Xerada Gordan
Next articleDowlada Soomaaliya oo war culus ka soo saartay howlgal lagu laayey saraakiil Shabaab ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here