Home Wararka Somaliya Galmudug Kursigii Xildhibaan Axmed Fiqi oo Galabtay Gaalkacyo Lagu Doortay yaa ku Guulaystay?

Kursigii Xildhibaan Axmed Fiqi oo Galabtay Gaalkacyo Lagu Doortay yaa ku Guulaystay?

0

Amb. C/salaan Dhabacad ayaa loo doortay kursiga sumadiisu tahay HOP038, iyadoo kursigan Shantii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay wasiirkii Amniga Galmudug Azmed Macalin Fiqi.

Sida wararku sheegayaan, doorashadan waa kursigii labaad oo Tartan furan ka dhaco kuraasta ka soo baxay Gaalkacyo, iyadoo kurisgii hore ay qaadatay xildhibaan Qaali.

Dhabancad ayaa la saadaalinayaa inuu noqon doono qofka ugu da’da weyn ee Golaha Shacabka, taasoo u suura gelineysa inuu noqdo Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka oo Maamuli doona doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Gaalkacyo waxaa ka socda Doorashooyinka Barlamaan kuwaasi oo ah kuwa ugu xiisaha badan ee ka dhaca Dalka.

Kuraas kale oo dhanka Barlamaanka ayaa filayaa inay ka dhacaan Magaalada Todobaadyada soo socda.

Ad
Previous articleDhageyso: Odawaa oo ka hadlay Nuuca Dagaal ee kala dhaxeeya Wasiir Dubbe
Next articleCadaado oo laga soo dhaweeyay Doorashada Cabdi Raxamaan Odawaa ee Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here