Home Wararka Somaliya Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud OO khasaaro laga soo sheegayo

Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud OO khasaaro laga soo sheegayo

0

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa kuu ka dhacay degaan u dhaxeeya Degaanada Docoleey iyo Baxda-gaabo ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Dagaalka oo salka ku haayo dhul ku yaal degaankaas ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana uu salka ku haayaa muran ka dhashay Baraago Deeganka laga Qodayey mana jirto Cid wali kala dhexgashay Dhinacyada dagaalamay.

Habeen hore sidaan oo kale ayaa waxaa degaanka Baxda-gaabo ee Gobolka Galgaduud ku dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed, taas oo keentay in dagaala uu kusii fido degaano kale.

Shalay gelinkii dambe waxaa degaanka Baxda-gaabo gaaray wafdi ka socda Maamulka Galmudug, kuwaas oo halkaasi u tegay sidii loo joojin lahaa dagaalka labada Maleeshiyo Beeleed.

Maamulka Galmudug weli kama hadlin dagaalka kasoo cusbooday degaannada ka tirsan gobolka Galgaduyud, iyada oo degaano kale oo ka tirsan Gobolkaas ay ka jiraan xiisado dagaal.

Ad
Previous articleShir dib u Heshiisiin ah oo Biri ka Furmaya Baxdo
Next articleQaar ka mid ah xubnihii laga soo cawday ee guddiyada doorashooyinka oo liiska laga saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here