Home Wararka Maanta Taliyaal xalay Lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho oo Maanta La Aasay

Taliyaal xalay Lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho oo Maanta La Aasay

0

Taliyihii saldhiga Booliska Degmada Waaberi iyo Taliye ku xigeenkii Qeybta booliska Waliyow cadde ayaa Goor dhaw Lagu Aasay Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa Xalay lagu dilay Qarax ka dhacay Xarunta Saldhiga Boliiska Degmada waaberi ee Gobalka Banaadir, waxaana Qaraxaasi Fuliyay Qof isku soo xiray Walxa Qarxa.

Masuuliyiinta Lagu dilay Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa xalay Fadhiyay Barxada Hore ee saldhiga Waaberi, gaar ahaan Qeybta Laamiga, waxaana dhintay Taliyihii saldhiga Boliiska Degmada waaberi iyo Taliye ku xigeenkii Boliiska ee Waliyoow Cadde.

Maanta ayaa si wadajir ah Loogu aasay isbitaalka Xooga oo ku yaala Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir

Ad
Previous articleQM oo shaacisay Tirada dad ku dhintay iyo kuwa ku Barakacay Roobab ka da’ay Soomaaliya
Next article{SAWIRO} Taliyaashii Xalay lagu dilay Muqdisho oo Aas Qaran Loo sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here