Home Wararka Maanta Ilhaan oo sheegtay in inta ay Kongareeska Mareykanka ku jirto “aanan la...

Ilhaan oo sheegtay in inta ay Kongareeska Mareykanka ku jirto “aanan la qaadan karin biyaha Soomaaliya iyo baddeeda.”

0

Xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo Congraess-ka ku matasha gobolka Minnesota inay is casisho kadib khudbad ay ka jeedisay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis.

Ilhaan Cumar oo 27-kii bishan hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri: “Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”

Arrintan ayaa dood ka dhalisay gudaha Mareykanka, iyadoo dadka cambaareeyay hadalkeeda ay ku tilmaameen inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka.

“Hadallada carada leh ee Ilhaan Cumar ee Soomaaliya ay muhiimadda ku siisay waxay dharbaaxo wejiga looga dhuftay ku yihiin dadka Minnesota ee iyada loogu doortay inay u adeegto waxayna carqaladeyn toos ah ku yihiin dhaarteeda xafiiska,” ayuu yiri xildhibaan Tom Emmer oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X. “Waa inay ceeb darteed isu casishaa.” Ayuu sii raaciyay.

Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayay gaar ahaan hadal loo tarjumay sidan: “Soomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.”

Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri “Keliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri Ilhaan.

Dhanka kale, xukuumadda Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa u jawaabtay hadalkan ay dhawaan jeedisay xildhibaanad Ilhaan Cumar.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xassan Maxamed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ku sheegay, in aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Ilhaan colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida.

Waxaa uu ku eedeeyay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laascaanood isla markaana ay nacayb iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigayee wasiirka.

Waxaa uu qoraalkiisa intaa raaciyay in la joogo waqtigii “Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.”

Sidoo kale xildhibaan Marjorie Taylor Greene oo iyadana xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa Ilhaan ku eedeysay inay wacad ku martay difaaca xudduudaha Soomaaliya halka ay kasoo horjeesatay dadaallada lagu ilaalinayo xadka Mareykanka iyo Mexico.

Ad
Previous articleKalfadhigii Baarlamaanka 9aad ee Galmudug oo la Furay(Sawiro)
Next articleMaxay u taagan yihiin calaamadaha ay isticmaalayeen taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here